Adeegyadii Bulshada Baladxaawo oo dib u soo laabtay kadib weerarkii Jubbaland(Warbixin)

baladxaaw

Iyadoo dhowaan qulqulatooyin ay ka dhaceen gudaha magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa iminka xaaladdu waxay tahay mid deggan.

Waxaa inta badan lagu guuleystay xalinta siyaasado isdiidan ee degmadaasi wajahday muddooyinkii dambe.

Ciidankii Jubbaland ee uu watay wasiir xigeenka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan ayaa joojiyay dhibaatooyin la sheegay inay ku hayeen dad shacabka ah.

Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo lagu maacaabo Cabdifitaax Nuur Mataan ayaa la sheegayaa in uu dib ugu laabtay magaalada inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Qof  ku sugan Baladxaawo ayaa inoo sheegay in adeegyada bulshada ee magaalada Baladxaawo ay hadda u shaqeynayaan si wanaagsan.

Wuxuu sheegay in ganacsigii magaalada iyo waxbarashada ay caadi ku soo laabteen kuwaasoo horay colaadaha ugu xirmay.

“Walaal ganacsiga Baladxaawo hadda waa wanaagsan wuuna shaqeynayaan maanta oo Khamiis ah waxaana sidoo kale shaqeynaya adeegyada kale ee bulshada sida caafimaadka” ayuu yiri qofkaasi oo ku sugan Buuloxaawo.

Xaaladda amni ee magaalada ayaa hadda iska deggan.

Warbaahinta Gedotimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.