DEGDEG: Wasiirka amniga Puntland, taliye xigeenka birmadka iyo saraakiil oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Boosaaso

Wasiirka amniga Puntland iyo guddoomiyaha gobalka Bari ayaa ku dhaawacmay kadib iska hor imaad ciidamo ka wada tirsan maamulkaasi ku dhexmaray magaalada Boosaaso.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo guddoomiyaha gobalka Bari ayaa dhaawacooda waxaa uu yimid ay ismaandhaafeen taliyeyaasha Booliska iyo kan birmadka Puntland oo gacan ka hadalkooda uu sababay in ciidamo ay kala wateen ay dagaallamaan.

Wasiirka ayaa dhaawiciisa warar kala duwan ay ka soo baxayaan, waxaana la soo sheegayaa in hadda loola cararay isaga iyo dhaawacyada kale Isbitaal ku yaalla Boosaaso oo lagu dabiibayo.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan, dadweynaha ayaa aad u hadal haya arrintani.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.