Deegaanno kamid ah gobalka Gedo oo howlgallo ay ka soconayaan

Wararka ka imaanaya wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo ayaa sheegaya inay ka soconayaan howlgallo lagu sugayo ammaanka oo lagu xaqiijinayo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in howlgalladani ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in howlgalka uu saameeyay isa socodka dadka iyo gaadiidka caadiga ah meelaha qaarna waxaa lagu arkayaa ciidamada oo gaadiidka baaraya kadibna sii deynaya.

Saraakiisha gobalka Gedo ee dowladda federaalka ayaa laga soo xigtay inay sii socon doonaan howlgalladani lagu xaqiijinayo ammaanka deegaannada gobalka Gedo.

Xarakada Alshabaab ayaa qeybo kamid ah gobalka Gedo hadda ku sugan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.