Warbixin: Maxaad Kataqaanaa Tuulada Ceel-guduud ee Ku taala Bartamaha Gobolka Gedo.

Magaalada Ceelguduud waxay ku taalaa Bartamaha Gobolka Gedo waxaa dhinaca bari kaxiga Garbahaaray dhinaca koonfurgalbeedna waxaa kaxiga Ceelwaaq, dhinaca waqooyina waxaa ka xiga  beledxaawo Dhinaca Galbeedna waxaa ka xiga Ceelcade.

Magaaladaani waxa ay leedahay Hal ceelbiyood  waa magaalo xoolo dhaqato ay ku hareeraysan yihiin waqtiyada jiilaalka ay usoo arooraan Waa magaalo leh Dugsi hoose dhexe waqtiyada roobka uu da’o.

Dadku waxa ay beertaan Beeraha Beerahaas oo ku kala yaala Dhinaca Bari oo loo yaqaan Beeraha Qabri Dalal ,Dhinaca Galbeedna loo yaqaan baanyooleey.

Tuulada Ceelguduud Lagasoo Bilaabo 2008 aaqirkeedii Waxay xarun u noqotay Xoogaga alshabaab Waana magaalo ku dhextaal dhul Buuralay ah oo ay saldhig ku leeyihiin .02/07/2015 Waxaa Duleedka Tuulada Ceelguduud Buuraha kaxiga dhinacagalbeed ee looyaqaan Buuro Bahalo oo u jirta 3km kadhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadii dowlada iyo kuwa alshabaab.

Sidoo kale waxaa xabsiga kafakaday maxaa biistii u xir xirnayd alshabaab waxaana kamid ahaa maxaa biista fakatay hooyo dil kuxukunayd oo 6 caruur ah haysatay oo magaceeda uu ahaa Deeqo Maxamuud.sidoo kale diyaaradaha kenya ayaa duqayn ka gaystay 18/01/2016 kadib markii ciidankii kenya ee saldhiga ku lahaa Ceelcade 15/01/2016 dagaal kadhacay halkaas looga itaal roonaaday .
Xafiiska Wararka Gedo Times

Garbaharay, Gedo

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.