Degdeg: Beesha Sade oo kulan Muhiim ah Iminka Kismaayo ku leh iyo Wasiir Aw-libaax oo lagu wado in uu iscasilo.

Magaalada Kismaayo wuxuu hada julan xaasaasi ah uga socdaa waxgaradka , SIyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Beesha Sade ee Magaaladaasi ku dhaqan.

KUlanka waxaa madal joog ka ah Maxamuud Sayid aadan iyo Wasiiradii Shalay uu ku dhawaaqay Axmed Madoobe kuwii kasoo jeeday Beesha Sade.

Goor dambe oo galabta ahne waxaa lagu wadaa in ay iscasilaan Qaar kamid ah Wasiiradii la magacaabay ee Beesha Sade kuwaas oo ilaa iyo hadda un la xaqiijiyey Iscasilaad in ay ka go’antahay hadaanan Hanaanka wax lagu soo xulay dib u eegis Lagu Sameyn Siyaasiga Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw-libaax.

Warar lugeedyo ay Gedo Times ka heleyso Aaga Shirka ayaa iyagune sheegaya in ay macquul tahay in ay iscasilaan Wasiiro kale oo horleh, lamase oga kuwa ay noqon karaan.

Eedo Culus ayaa Maxamuud Sayid uga imaanaya Beesha Sade kuwaas oo la xiriira in asaga uu yahay qofka masuulka ka ah Dhamaan Cadaalad Darada lagula kacay Beesha Sade ee shalay Kismaayo ka dhacday.

Wixii kusoo kordha Iscasilaada Wasiir Awlibaax iyo kulanka Xaasaasiga ah ee Hada socdaba kala soco Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.