TOP News: Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan Xaasaasi ah Muqdisho ku yeelanaya.

Kulanka golaha shacabka oo maanta lagu wado in ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la horgeynaya sharciga suurtagelinta doorashooyinka dadban ee sanadkan ka dhici doona dalka kaas oo horey guddoonka baarlamaanka uu u saaray guddiga ka soo tallo bixiya qorshahaasi.

Xildhibaan, Maxamed Cumar Maxamuud, oo ah hab-dhooraha golaha shacabka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in sharciga doorashada dadban uu maanta baarlamaanka ka hadli doono.

Hab-dhooraha baarlamaanka dalka ayaa sidoo kale sheegay in haddii yeraato tirada is qorta si ay fikirkooda ugu dhiibtaan qorshahan ku saabsan doorashada dadban ay macquul tahay in maanta la soo gabagebeeyo isla markaana xubnaha lagu wargeliyay in maanta labada gelin la shaqeyn doono si howshan adag loo soo afmeero.

Sharcigan ku saabsan doorashada dadban ee dalka ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo iyadoo maanta ka filayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wefdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaas oo la kulmi doona madaxda sare ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.