Akhriso: Magacyada. Qabiilada iyo Wasaaradaha ay kala Hayaan Wasiirada shalay la magacabaay ee Jubbaland.

jubba

Akhristayaasha Gedo Times waxaan u soo gudbineynaa Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo kala jeedaan Wasiirada uu shalay Galinkii Dambe Magacaabay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Golihii wasiirada Jubbaland oo la sugaayey muddo dhan 8 bilood ayaa shalay lagu dhawaaqay, balse dadweynaha reer Jubbaland waa ku hungoobeen siyaasad xumada ku dhisan qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga iyo waayo aragnimo xumada siyaasadeed ee kooxda Raas Kambooni ee Axmed Madoobe gadhwadeenka ka yahay. 17 Wasiir iyo 17 wasiir ku xigeen kuma jiro hal qof oo haween ah. Dastuurka Jubbaland ayaa dhigaya in haweenka helaan 30%!!!!!!!

Halkan ka aqriso liista golaha wasiirada lagu hungoobay:

Beesha Absame:
Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud – Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare (Beesha Ogaadeen, Cowlyahan).
Cabdirashiid Jire Qalinle – Wasiirka Maaliyada (Beesha Ogaadeen, Cowlyahan).
Mudane Shukri Wayrax Kaariye – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.  (Beesha Ogaadeen, Reer Cabdille) – Axmed Madoobe ayey isku jifo yihiin!!!!!!!.
Geelle Muxumed Aadan – Wasiirka Beeraha (Beesha Absame, Bartire).
Beesha Mareexaan
Maxamed Yuusuf Cumar – Wasiirka  Macdanta iyo Tamarta (Beesha Mareexaan, Ree Diini ).
Aadan Ibraahim Aw-Xirsi   –   Wasiirka Caddaalada Dastuurka iyo Arimaha Diinta (Beesha Mareexaan, Reer Diini).
Cabdirashiid Xasan Nuur – Wasiirka Amniga (Beesha Mareexaan, Reer Axmed).
Maxamed Maxamuud Yusuf – Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga  (Beesha Mareexaan, Celi.)
Maxamed Nuur Buule  –   Wasiirka Xanaanada Xoolaha (Beesha Mareexaan, Talxe).
Beesha Harti
General Maxamed Warsame Faarax Darwiish- Wasiirka Arimah Gudaha (Beesha Harti, Majeerteen).
Beesha Digil iyo Mirifle
Cali Xaaji Nuur Cali – Wasiirka Caafimaadka (Beesha Digil iyo Mirifle, Leesaan).
Axmed Cabdi Xaafid Maxamed – Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska.  (Beesha Digil iyo Mirifle, Dabare).
Beesha Jareer Weyne
Fariid Jaamac Saleebaan – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha (Beesha Jareerweyne, ………….).
Cismaan Xuseen Xaaji – Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga (Beesha Jareerweyne, ………….).
Beesha Hawiye
Cabdinuur Cali Aadan – Wasiirka Warfaafinta Tignoolajiyada iyo Isgaadhsiinta (Beesha Hawiye, Gaaljecel).
Beesha Dir
Ibraahim Xasan Cabdi – Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Beesha Dir, Biyomaal).
Beesha Cowrmale
Maxamed Cabdi Maxamed – Wasiirka Gaadiidka (Beesha Cowrmale).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.