XOG: Cabdikariim Guuleed oo Jabiyay Heshiiskii Jigjiga kadib markii Ilaaladiisa ay Dad Shacab ah ku laayeen Deegaanadii lagu Dagaalamay.

Dhawaan Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya waxa uu Heshiis ku dhexmaray Madaxweynaha Deegaankaas Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Hogaamiyaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuled.

Heshiiska oo Qodobo dhowr ah ka koobnaa ayaa yimid ka gadaal Markii Dagaalo ka dhacay Daacdheer iyo Kaxandhaale oo Xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya dhaca ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyey Ciidamo kasoo kala jeeda Labada Dhinac.

Guuleed ayaa Heshiiska dalbaday kadib markii Maaleyshiyaadka Beeshiisa aad loogu xasuuqay Dagaaldaas, taas o osoo dadajisay Socdaal uu Jigjiga ku tagay.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa kamid ahaa in Dagaal dambe uusan Deegaankaas ka dhicin, Dhulka lagu dagaalamayne uu yahay Dhul Itoobiya, iyo in Galmudug ay bixiso Magdhowga dadkii halkaas lagu laayay ee Deegaanka kasoo jeeday.

Hadaba Heshiiskii Halkaas lagu gaaray ayaa waxa durba ka baxay Dhinaca Galmudug oo deegaanadaas kawado Abaabulo iyo Dagaalo Coladeed oo horleh iyadoo shalay Maleyshiyaad kamid ah ilaalada Cabdikariim Guuleed ee Gaar ah ay sadex qof oo mid uu yahay Cunug yar ay ku dileen Duleedka aagagii dagaaladu ay ka dhaceen.

Dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya ayaa dhinacooda lagu wadaa in ay warcad kasoo saaraan heshiis kabaxa uu sameeyey Maamulka Galmudug.

Dhinaca kale dadka deegaanka oon la xiriirnay ayaa dhinacooda ka hadlay sida ay u arkaan Shakhsiyaadka kasoo jeeda Deegaanadaas ee Maamulka Galmudug ka tirsan hadane ku wiirsanaya Dhibaateynta Shacabkooda, kuwaas oo ugu baaqay in ay Cadaado isaga soo tagaan hadii ay damiir leeyihiin, hadii kalane waxa ay sheegeen in iyaga iyo raga colaada kawada daacdheer  ay iskumid u yihiin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Wixii kusoo kordha Xiisadaha ka taagan Daacdheer iyo Degaanada Xuduuda kala soco Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.