Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalladii gobalka Galgaduud

dagaal

Waxaa saaka deggan xaaladda deegaanno ku yaalla dhinaca bari gobalka Galgaduud halkaasoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo sababay khasaare.

Wararka ka imaanaya deegaannadii lagu dagaallamay ayaa saaka deggan waxaana soconaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada halkaa isku haya ee dowladda federaalka oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.

Warar laga helayo deegaannada qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa midowga Afrika ay la wareegeen kadib dagaallo geystay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen.

Saraakiisha dowladda ee howlgalladani hoggaaminaya ayaa sheegaya inay sii socon doonaan howlgallada, Xarakada Alshabaabna war ay soo saartay waxay ku sheegtay in ku dhowaad 20 askari oo dowladda ka tirsan ay ku dileen dagaalladani

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.