Wararkii ugu dambeeyay ee deegaannada Jubbaland

kismayo

Maamulka Jubbaland ayaa dadaal ugu jira samatabixinta Qoysas badan oo ku nool Magaalada Kismaayo kuwaas oo biyo badanoo dhanka badda ka yimid gudaha u galay guryihii ay ku noolayeen.
Guryaha qaar ee xaafadaha ku dhow Bada ayaa waxa lagu soo waramayaa in biyuhu ay galeen , waxana taasi ay keentay in qoysas badan ay ka cararaan guryahooda.
Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in ay socdaan dadaal Maamulka uu wado si ayuu sheegay loo samatabixiyo qoysaska guryahooda biyaha ay halakeyeen
Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sadex ruu u soo qabtay Dilkii Madaxii Canshuuraha ee Degmada Baardheere.
Wararka iminka aynu ka helayno Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in iminka gacanta lagu sadexda qof kuwaas oo lala xiriirinayo dilka marxuum Madaxii canshuuraha Cabdullahi Eelaay.
Guddi loo xilsaaray baaritaanka ayaa la filayaa inay soo bandhigaan xog la xiriirta sida uu u dhacay dilkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.