FAAHFAAHIN:- Haweeney isku gubtay Garoowe iyo Macallin dugsi oo la dilay

garoowe

Dilal ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo mid kamid ah loo geystay Macallin dugsi quraan iyo imaam salaadda tujiya.
Magaalada Garowe waxaa saaka ka dhacay labo dhacdo oo shil dhimasho ahaa , Kan hore ayaa waxa uu ka dhacay Saldhiga dhexe Garowe ,waxaana Nin askari ahaa uu ku dilay gudaha Saldhiga Macalin Masaajid yar ku yaala halkaasi Imaam ka ahaa .
dhan kale Haweenay Uur lahayd ahayd ayaa Magaalada Garowe isku gubtay, sababta faah faahin wali lagama hayo.
Lama sheegin sababaka keenay in askarigan uu dilkan uu ka gaysto saldhiga Magaalada Garoowe ee Puntland.
Saraakiisha Maamulka Puntland faahfaahin rasmi ah ma aysan bixin marka laga reebo in baaritaan lagu hayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.