DHAGEYSO: Roobab xooggan oo maanta ka curtay gobalka Gedo

roob

=Roobab xooggan ayaa ka curtay deegaannada waqooyi ee gobalka Gedo kuwaasoo xiray isu socodka degmooyin muhiim ah oo ku yaalla gobalkaasi.
Maxamed Xaaji oo kamid ah dadka ku nool degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegay in roobabkani ay maanta ka billowdeen deegaannada waqooyi ee gobalka Gedo.
Deegaannada roobabka ay ka curteen oo ah deegaanno ay ka jirtay biyo yari ayaa waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada.
Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa inay saameyn ku yeesheen baabuur sida shixnado ganacsi oo isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheera iyo kuwa kaleba

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.