DHAGEYSO: Jubbaland oo xaqiijisay weerarkii Maraykanka ee degmada Jilib

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay jiritaanka diyaarado maraykan ah iyo ciidamo Soomaali ah oo beegsaday degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.
Guddoomiyaha deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubbada Hoose Maxamed Muxumed Ismaacdiil ayaa sheegay in ay soconayaan qorsheyaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu qabto deegaannada ka maqan gacanta Jubbaland iyo AMISOM.
Wuxuu xaqiijiyay guddoomiyaha jiritaanka wararka sheegaya in diyaarado dagaal oo Maraykanka leeyahay iyo askar ka tirsan dowladda federaalka ay weerar ka gesyteen degmada Jilib oo ay maamusho Xarakada Alshabaab.
Guddoomiye Maxamed Muxumed ayaa dafiray in weerarro ay Alshabaab kala kulmeen ciidanka Jubba iyo kuwa Kenya ee ku sugan Kulbiyow, Dhoobleey iyo meelo kale

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.