Haweenka oo diiday shirka Muqdisho ka furmay

Qaar kamid ah ururrada siyaasadda haweenka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa qaadacay shirka doorashada looga hadlayo ee ka furmay magaalada Muqdisho.
Mar ay saxaafadda la hadlayeen waxay sheegeen in haweenku aysan ka qeyb galin shirkani isla markaana xaq darro ay tahay in la siinwaayo saamigii ay haweenka ku lahaayeen shirarka looga hadlayo aayaha iyo danaha Soomaaliya.
Haweenkii hadlay ee sheegay inay ka soo horjeedaan shirkani waxaa hadalladooda waxay ku sheegeen inay marnaba aqbali doonin shirkani.
Waxay sheegeen in mar walba la lumiyo kaalinta haweenka isla markaana ay tahay wax aan suurtagal ahayn arrintaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.