Dhageyso: Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug oo Markii ugu horeysay yeelaneysa Isbitaal Guud.

Degmada Saaxo ee gobolka Mudug waxaa shacabka degmadaasi ay wadaan isku tashiyo kaladuwan oo ay ku hormarinayaan degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Saaxo Mowliid Daahir Aadan ayaa sheegay maanta inay dhagax dhigeen xaruntii ugu horaysay oo noqonaysa isbitalka guud ee degmadaasi oo in kabadan 14 tuulo hoos timaado.

Mowliid ayaa xusay in isbitalkan uu ka koobanyahay 4 Qol oo loogu tala galay inay ku dhalaan hooyooyinka uurka leh iyo darbi dheer oo cabirkiisu gaarayo ilaa 100 ayna dhismihiisa gacan ka gaysanayaan haweenka qurbaha joogaa ee kasoo jeeda degmada Saaxo.

Degmada ayaa sidoo kale waxaa dhismahoodu uu socdaa Saldhiga iyo dugsi hoose dhexe kuwaas oo dadka ay iska ururiyeen dhaqalaha lagu dhisayo.

Gudooiye ku xigeenka degmada ayaa dawlada Puntland ugu baaqay inay kala qayb qaadato dhismayaasha oo qaar kamid ah loo waayey kharashkii lagu dhamaystiri lahaa hadana aysan jirin wax shaqo ah oo ka socota.

Degmada Saaxo waxaa xiligan ka furan xarunta MCH taas oo baahiyaha ka jira degmada aan dabooli karin sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka xili uu waraysi sinayey Radio Gaalkacyo,

Hoos ka dhagayso Codka gudoomiye ku xigeenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.