Top News: Maamulka Degmada Baledxaawo oo lagu eedeeyey inuu lunsaday lacagihii Gurmadka Abaaraha.

Xilli Meel adag ay mareyso xaaladaha abaareed ee kajira dalka Soomaaliya, ayaa waxaa Gudigga Gurmad abaaraha ee heer qaran ay maamul goboleedyada gaarsiiyeen lacago loogu talagalay in dadka abaaruhu saameeyeen lagu gargaaro.

Maamulada lacagaha lagaarsiiyay waxaa kamid ah Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lacagtii la gaarsiiyay ee Gurmadka u qeybisay Degmooyinka Jubbaland, iyadoo degmadiiba maamulkeeda loogu dhiibay qoondadii Markaas loogu talagalay.

Degmada Baledxaawo ee Waqooyiga Gobolka Gedo ayaa kamid ah Meelaha lacagaha gurmadka ah Maamulkooda loogu dhiibay, waxaana Maamulka Degmadaasi lagu wareejiyey lacag dhan 10,000 $ oo dollarka mareykanka ah.

Hadaba Gedotimes ayaa waxa soo gaaraya cabasho ka imaaneysa Bulshada qeybaheeda kala duwan taas oo la xariirta in aan lasoo gaarsiin gurmadkii loo soo dhiibay.

Mid kamid ah dadka la hadlay warqabadka Gedo Times ayaa yiri ” Walalow lacagihii gurmadka qeybtii Baledxaawo loogu talagalay ee qorshuhu ahaa in biyo dhaamin lagu sameeyo, waxaa lunsaday Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo Maxmuud Xayd Cusmaan, iyo xubno katirsan Maamulkiisa, dadkii loogu talagalayne wax la gaarsiiyay oo macne leh majirto.

Wariyaha Gedo Times ayaa ku celiyey su’aal aheyd sida uu ku xaqiijin karo cabashada culus ee uu jeedinayo wuxuuna ku jawaabay.

” Walalow Sadar muuqdo su’aal ka dhan ah lacagtaas hadii dadka la gaarsiiyay weey soo bandhigi lahaayeen, in dhowr booyadood biyo lagu dhaamiyo oo lagu sheego in dadkii lacagta loogu talagalay la gaarsiiyay waa nasiib darro, waxaan hoosta ka xariiqayaa anigoo dhibanayaasha abaartu saameysay kamid ah in Maxmauud Xayd iyo Maamulkiisa ay lacagtaasi lunsadeen.

“Booyadda Biyaha ah waxay joogtaa laba kun oo kenya Shilin ah oo u dhiganto labaatan dollar, imisa booyadood ayaa biyo  lagu dhaamin karaa lacagta tobanka kun ee dollar ah malaheyga waa biyo aad u badan dadkane wax tari lahaa hadii sida loogu talagalay loo maamuli lahaa” ayu uyiri Mid kamid ah dadka ay abaauruhu saameeyeen oo Gedo Times u waramayay Sababo amaane aan magiciisa u qarinay.

kaliya kuma koobna qof iyo labo qudha dadka eedeynta ujeedinaya Gudoomiye Xayd iyo Maamulkiisa, hase ahaatee warqabadka Gedo Times waxaa soo gaaraya had iyo jeer cabashooyin ka dhan ah Maamulka Degmada Baledxaawo oo la xiriira sixun u maamulidda iyo lunsashada lacagihii loogu talagalay in lagu gargaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno Maamulka Baledxaawo hase ahaatee inooma suuragalin marka ugu horeysa ee aan helnane Akhristayaal waan idin la wadaagi doonaa waxa uu kaga jawaabo eedeyntan culus ee loo jeediyey.

Gudoomiye Xayd ayaa ah Shakhsi aad ay bulshada Degmada kaga soo horjeedaan, waxaana la xasuustaa bil kahor in uu warbaahinta caalamiga ah ka sheegay in degmadiisa ay joogaan gabdho jirkooda ka ganacsada kuwaas oo dhlay caruur aan aaabo layaqaan laheyn, arintaas oo layaab iyo amakaag ku noqotay Bulshada uu Gudoomiyaha u yahay, walow markii dambe cadaadis iyo culeys uu lakulmay kadib uu raali galin kabixiyay Hadalkii uu ku caayay Gabadhaha Sharafta leh ee ree Baledxaawo iyo Guud ahaan ree Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.