Nabadsugida Jubbaland iyo Saxansaxo oo qorsheynaayo in uu fal dil ah u geysto qaar ka mid ah wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgalo magaalada kismaayo

Sida aad ka warhaysaan Horey waxaa u jirey khilaaf u dhexeeyey wariyaasha madaxa banaan iyo wasaaradda Warfaafinta jubaland kaas oo yimid ka dib markii Wasiirka Warfaafinta jubaland uu dhowr jeer u gacan qaadey qaar ka mid ah wariyaasha madaxa banaan ee jubaland.

Balse hada arinta ayaa intaas ka sii weynaatey kadib markii ay soo baxdey ayna inoo xaqiijiyeen Ilo xog ogaal ah in ay wasaaradda Warfaafinta jubaland iyo hay’adda nabad sugidda jubaland oo iskaashanaayo ay diyaarinayaan in ay qaarijiyaan tiro ka mid ah wariyaasha madaxa banaan ee jubaland ee ku sugan magaalada kismaayo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaayo in Wasiirka Warfaafinta Juabaland c/nuur cali aadan iyo gacanyarihiisa ahna Agaasimaha tv-ga jubaland c/naasir sh bashiir Saxansaxo ay qorsheynayaan in ay dilaan qaar ka mid ah wariyaasha madaxa banaan Kadibna ay doonayaan in ay dilkaas dusha ka saaraan ururka alshabaab si ay ugu raad gataan dilka ay wariyaasha u geysan rabaan.

Sababta keentey dilka lala damacsan yahay wariyaasha ayaa ah in dhawaanahaan ay wariyaashu soo gudbinayeen xogo khatar ah oo aysan jubaland ogoleyn in la tabiyo kuwaas oo ay ka mid ahayd
1) Hubkii ay dowladda itoobiya ay siisey maamulka jubaland ee hada yaalo madaxtooyada jubaland
2) Hubkii lagu qabtey dekedda magaalada kismaayo ee saarnaa markabka hadana wali yaalo dekedda kismaayo
Xogahaas iyo kuwo kale oo qarsoonaa oo ay wariyaashu soo bandhigeen ayey ku doonayaan in ay ku qaarijiyaan iyagoo doonaayo in ay caburiyaan Saxafadda madaxa banaan ee jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.