Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay safarkii Sucuudiga iyo magacaabista Raiisul wasaaraha cusub

far

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaana uu la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.