Madaxwaynaha soomaliya oo dalka Kusoo Noqday Isagoo Kayaabiyey Madaxda Kala duwan ee Dawlada Soomaliya

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo kasoo kicitimay dalka Sacuudiga oo Casumaad kahelay Boqorka Sacuudiga, Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi ayaa ka hor istaagay Madaxda Kala duwan ee dalka inay kusoo dhaweeyaan Garoonka sida caadada ahaan jirtay.

Madaxwaynaha Soomaliya ayaa ugu baaqay Madaxda kala duwan inaysan aasaga ku mashquulin ee umada soomaliyeed shaqadii u hayeen ay qabtaan kii aan shaqo ahayna si iskaa wax uqabso ah bulshada ugu adeegaan sida Maasaajidka,dadka dhibaataysan oo lacaawiye iyo kuwa kale oo badan .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.