Degdeg: Dab khasaare geystay oo goordhaw ka kacay suuq kuyaala Degmada Baledxaawo

Waxaa goordhaw dab uu kakacay mid kamid ah suuqyada shidaalka lagu iibiyo ee Degmada Baledxaawo, kaasi oo ilaa iyo hadda ka Fiday ilaa sadex dukaan oo shidaalka lagu iibiyo.

Gedo times oo kamid noqotay warbaahinadii u horeeyey ee goobtaasi booqata xilli wali dabka uu sii fidaayo ayaa masawirro iyo daqiiqado muuqaal ah kasoo qaaday.

Meesha uu dabku ka kacay waxaa feersaaran isbitaal weyn oo lagu magacaabo Jubba National hospital kaasi oo ay yaaleen bukaano badan oo uu soo ritay cudurka shuman biyoodka.

Dadweynaha degmada ayaa u gurmaday goobta ay mashaqadu ka dhacday inkastoo aan LA ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu dabkani geystay.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.