Degdeg: Dabkii ka kacay Baled-xaawo oo lagu guuleeystay in LA damiyo kadib gurmad kayimid Maamulka Mandheera.

Waxaa goordhaw lagu guuleystay in LA damiyo dabkii kakacay galabta qaar kamid ah goobaha shidaalka lagu iibiyo ee degmada Baledxaawo.

Tan iyo galabta oo dadweynaha degmada ay LA tacaalayeen daminta dabkani ayaa ugu dambeyntii damintiisa waxaa ku guuleystay mid kamid ah gaadiidka dab damiska ee degmada Mandheera kadib markii Maamulka Baledxaawo ay codsi u dirsadeen.

Dab damiska mandheera laga soo gudbiyay ayaa hadda ku guuleystay in uu bakhtiiyo dabkii khasaaraha badan dhaliyay inkastoo dabka uusan aad u baahin.

Inkastoo uu gabalku dhacay gudaha degmada hadane Gedo Times ayaa isku dayeysa in ay booqato markale goobta khasaaraha hantiyeed ee uu dabku geystay uu ka dhacay, inkastoo jidadka soogala halka dabku ka kacay ay xiireen ciidamada Amaanka.

Filo muuqaalo iyo Masawirro LA xiriira qaabka dabka uu u gubay bakhaarada shidaal ee kuyaal degmada Baledxaawo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.