Waalid ku sugan Magaalada Baardheere oo Dalbanaya in loo Caawiyo Wiil Xanuunsan muddo ka badan ilaa 20 sanno“SAWIRRO+DHAGEYSO”

C/raxmaan Hure Diiriye waa Ehelka Wiilka Xanuunsan oo lagu Magacaabo Cawil Axmed Diiriye oo ah Wiil xanuunsan oo curyaan ka ah Lugaha,Gacmaha iyo Hadalka muddo ka badan ilaa 21 sanno,waxuuna ku nool yahay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana ay kala Quusteen waaladiiinta dhalay Wiilkan iyo Ehelada Dhaqaatiirta ku sugan Gudaha Baardheere, Kuwaas oo markii Dambe kula Taliyey in uu u baahan yahay Caafimaad Dibadeed,sida aad ka arki doontaan Sawirada.

Waalidiinta dhalay wiilkan iyo Ehelada ayaa waxay sheegeen Xanuunka haya Wiilkan in uu la ildaran yahay cudurka Neerfaha waa Shaqsiyaal  aan maanta Awoodin  in ay Wiilkoda Cawil u qaadaan Caafimaaad Dibada ah , wuxuuna ka dhashey Qoys Sabool ah oo Degen Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baardheere,.

Waalidiinta iyo Ehelada ayaa waxaa ay ka Codsanayaan Hayadaha Samafalka , Ganacstada Soomaaliyeed , Jaaliyadaha Dibada iyo dhamaan mus’ilimiinta  in ay ku gacan siiyaan sidii Cawil uu u heli lahaa Daaweyn Dibadda ah.

Hadaba ciddii dooneysa in ay Caawinto mid dhagaale misa qaadis dibadeed Wiilkaasi waxay kala soo xiriiri karaan Cinwaanada Hoos ku Qoran.

C/raxmaan Hure Diiriye waa Ehelka Wiilka Xanuunsan
TEL 00252615824997, 00252617394918
Ama ugu soo hagaaji Account Nomber: MUQD0015221 oo ka furan Dahabshiil Baardheere AMA SALAAM BANK-31090099

Hoos ka dhageyso Wareysiga C/raxmaan Hure Diiriye oo ka mid ah Ehelada Wiilka Xanuunsan

CIMG2357 CIMG2358 CIMG2359 CIMG2360 CIMG2361 CIMG2362 CIMG2363 CIMG2364 CIMG2365 CIMG2366 CIMG2367 CIMG2368 CIMG2369 CIMG2370 CIMG2371 CIMG2372 CIMG2373 CIMG2374 CIMG2375 CIMG2376

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.