Dhageyso+Sawirro” Dadka Qaba Cudurka TBda oo ku soo Badanaya degmada Baardheere

Waxaa marba marka dambeysa sii kordhaya tirada dadka la liita Cudurka Qaaxada ee daawooyinka u soo doonanaya Xarun Caafimaad ee ku taala gudaha magaalada Baardheere,taasi oo ay maamulaan Hay,adda Samafalka Muslim Aid ee fadhigeedu yahay degmada Baardheere,Bukaanada ayaa intooda badan waxay ka kala imaanayaan gudaha magaalada,Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolada Gedo,Bay iyo J/dhexe iyo weliba dhulka miyiga ah.

Dhaqtar Maxamuud Warsame oo ah Madaxa Xarunta TBda degmada Baardheere ayaa Radiyaha GOOB JOOG  u sheegay in xaruntani maalin weliba in adeegyo caafimaad ay u qabtaan  bukaano la liita xanuunkaasi oo isugu jira rag,dumar iyo caruur,isagoo sheegayna mudadii 5 sanno ah ee ay u furneyd in ay kumanaan ruux ku daaweeyeen xarunta,kororka cudurkani ayuu ku sheegay dhibaatooyinka nololxumo ee ka taagan deegaanada ay ka imaanayaan dadka Bukaanada ah.

Cabdiyo xuseen waa hooyo leh ilaa 6 caruur ah kana soo jeeda  Qoys xoolo dhaqato ah oo degan Tuulada Daar oo Baardheere u jirta ilaa 30 km,waxayna ka mid tahay tiro haween ah oo Daawo u soo doonta maalinkastaaba xarunta TBda ee Baardheere,waxayna sheegtay dhibaatadan in ay la xiriirto daruufaha qalafsan ee abaarta iyo mida nolol xumo ee kataagan deegaanka,haatana caafimaad ay dareemayo.

HALKAN KA DHAGEYSO:

Baardheere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.