Wada hadallada Somalia iyo Somaliland oo ka furmaya Turkiga

Maanta oo ah Talaado ayaa lagu wadaa in galinka dambe ay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ay dib Turkiga uga furmaan halkaasoo ay uga qeyb galayaan dhinacyo kala matalaya Dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Dawladda Turkiga iyo dowladaha Carabta sida Isu-tagga Imaaraadka Carabta hormood u tahay ayaa wadahadallada qeyb ka ah, Kuwayt iyo Masar ayaana si dhow ula socda.

Turkiga iyo Carabtu waxa ay sidaan hindiseyaal, sida la tibaaxayo, hoosta ka xarriiqaya dhow qodob oo ku aadan dalkan Soomaaliya sida:

In Soomaaliya waxba u suurta geli waayeen, oo xittaa siyaasaddii maamul-gobolleedyada ee federaalku socon wayday oo madhaleys tahay; quusna laga sido.

In Somaliland ku hungowday aqoonsi ay caalamka ka kasbato waxbana aanay kasoo naaso-caddayn. Waxaana qorshaha uu yahay in masuuliyiin kala matalaysa dhinacyada Soomaalida ay ku shiri doonaan galinka dambe ee maanta dalka Turkiga.

Sidaas awgeed, waxaannu idiin haynaa qorshe aannu idinku dhexdhexaadinayno oo ah in labadiinna qolaba kasoo guurtaan halka aad hadda taagan tihiin oo la idiin sameeyo, hadalkaas waxaa laga soo xigtay dhinacyada wada hadlaka ka dhex wada Soomaalida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.