XOG: Shacabka ree Baledxaawo oo uu faraba’an ku haayo Cudurka Kaduudiyaha.

isbitaal

Iyadoo deegaano badan oo ka tirsan dhulka soomaalida uu ka dilaacay cudurka kaduudiyaha ayaa deegaanada qaar wuxuu ku hayaa faro ba’an.

Degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo wuxuu cudurka saameeyey sadex dalool labo shacabka ku dhaqan degmada.

Kaduudiyaha oo ah xanuun ku bilowda qandho daran ayaa ugu dambeyn qofka uu ku dhaco wuxuu ka asiibaa dhamaan xunbaha kala goysyada iyadoo dadka aysan tahli Karin socod badankoodne salaadaha ayey fadhiga ku tukadaan.

Qaar kamid ah dadka uu cudurkan saameeyey oo Gedo Times u waramay ayaa ku waramaya in cudurkani guud ahaan ree baledxaawo LA Oran karo waa uu asiibay,

Majirto xaafad kamid ah degmada oo aysan kajirin cabashada kaduudiyaha tiiyoo ay dheertahay in uusan laheyn daawo rasmi ah marka laga reebo macaamil gooni ah sida qubeyska oo LA badsado iyo isticmaalka xanuun baabiyaha.

Deegaano kala duwan oo dhulka soomaalida ah ayuu cudurka kajiraa balse baledxaawo ayaa kamid noqotay deegaanada ugu saameynta badan ee uu xanuunkan ka dilaacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.