Wasaaradda Tamarta oo u jeedisay shirkadaha korontada dalka in qiimo dhimis ay sameeyaan

Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraatka Biyaha Sahro C/qaadir ayaa maanta kormeer ku tegtay xarunta shirkadda Korontada BECO oo ahayd xarunti hore ee Wakaaladda xoogga koronta, si loola socdo howlaha shirkaddu ay u heyso shacabka, islamarkaana masuuliyiinta Wasaaradu shirkada ay la wadaagaan baahiyaha bulshada ee dhinaca korontada.

Sahro C/qaadir Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraatka biyaha ayaa qeyb qeyb u kormeertay xarunta ugu weyn ee shirka BECO ee magaalada Muqdisho, iyada oo ay wehliyaan masuuliyiinta shirkada.

Madaxad Howlgalinta ee shirkada korontada ee BECO Cawil Tooxow Kheyre ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta ay arkaan howlaha kala duwan ee dhinaca korontada ah ee ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

“Runtii farxad ayey noo tahay iney nasoo gaarto Drs Sahro C/qaadir oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta, waxaan tusnay howlaha aan u heyno shacabka, waxyaabo badan ayey nala aragtay waana fileynaa in wax badan ay iyaduna nagu soo kordhin doonto”ayuu yiri Cawil Tooxow

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta ee xukuumada Soomaaliya Sahro C/qaadir ayaa sheegtay in masuuliyiinta shirkadda ay kala hadashay dhinacyo badan oo qeybna ay ka tahay sidii shirkadu qiimo dhimis ay ugu sameyn laheyd adeega koronto oo ay siiso bulshada si loola jaanqaado baahiyahooda.

“Waxan ka codsanayaa shirkadda in ay qiimo dhimis ku sameyso adeega korontada oo ay bixiso sababtoo ah dadkeena waxey u baahan yihiin in durufahooda la fahmo”ayay tiri Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta.

Dadaalada loogu kuur galayo howlaha shaqo ee shirkadaha korontada BECO ayaa sahli kara in wax badan ay ka badasho qiimaha korontada oo dadka qaar ay ku tilmaameen in ay tahay mid aad u sareysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.