XOG: Maxaa kasoo Baxay kulankii Dhinacyada Beesha Sade ku Dhexmaray Maanta Magaalada Kismaayo.

Kulankii Galbta ilaa Caawa Magaalada Kismaayo uga socday Beesha Sade, ayaa waxaa uu kusoo dhamaatay Natiijo la’ aan.

Kulanka ayey dhinacyadii ka qeybgalay Waxay ku kala qeybsameen waxa laga yeelaayo Wasiirada aan ilaa iyo hadda lasoo dhaweyn ee Shalay Axmed Madoobe  uu u Magacaabay Beesha Sade.

Waxaa kulanka Goobjoog ka ahaa Maxamuud Sayid aadan oo ku Magacaaban madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaas, iyo xubno kamid ah Golihii shalay la Magacaabay.

Siyaasiga Maxamed Aw-libaax oo ku mgacabaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo jeediyey in ay iscasilaan Dhamaan Golaha uu kamidka yahay ee Beesha Sade.

Fikirka Aw-libaax ayaa la sheegay in ay ku raaceen Tiro aan badneyn oo kamid ah xubnihii Kulanka ka qeyb-galay.

Dhinacyada kale ayaa soo jeediyey in ilaa iyo xad ay ka fogaadaan Iscasilaad, taas badalkeedane dhinac kale ay cadaadis ku saaraan Axmed madoobe in wax kabadal lagu sameeyo Golaha Wasiirada ee Jubbaland.

Gabgabadiine Kulanka ayaa natiijo la’aan kusoo idlaaday iyadoo dib ay u balameen dhinacyadii kulmay in ay isugu yimaadaan Kulamo kale oo arimahan lagu lafa guraayo.

Wixii kusoo kordha kala Soco Gedo Times Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.