XOG: Dhaca iyo Boobka Lagu haayo Dhulalka Beesha Sade ee Kismaayo oo si Xawli ah ku socda Maalmahaan.

Magaalada Kismaayo waxaa ka soconaya wali boobkii lagu hayay Dhulalka Beesha Sade ee Magaaladaasi ku yaala, iyadoo cabashooyin soo gaaraya Gedo Times ay ku xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii guryahooda la dhacay in ayan jirin wax ay ka samey karaan arinkaas.

14 Haween ah oo Boosas kuleh Xaafad kamid ah Magaalada Kismaayo dhamaantoodne kasoo wada jeeda Beesha Sade ayaa Boosaskooda waxaa lagu qabsaday Tikniko, kadibne iyagii ayaa xabsiga loo taxaabay halkaas oo jirdilo kala duwan loogu geystay.

Waxay inoo sheegeen Qaar kamid ah Haweenka la dhacay oo codsaday in aanan Magacooda Xigan, in lagu wargaliyay in aysan sheegan karin dhulalkaas oo ay sheegeen in ay hayaan Dikumintiyadii ay ku iibsadeen, kuna mulkiyeen la haanshiyahooda.

” Walalow anagoo 14 gabdhood ah dhamaanteene kasoo wada jeedna Beesha Sade, ayaa nala ka dhacay dhulalkii aan laheyn, waxaa naloo sheegay in aanan laheyn dhulalkaas, hadaan sii sheeganane cawaaqib xumo aan la kulmi doono, hadaan ka doodnayne xabsi ayaa naloo taxaabay waana nala jirdilay dhamaanteen, kadibne waxaa nalaku amray sheegasho dambe inaanan sheegan karin dhulalkaas” ayey tiri haweeneydan aan magaceeda u qarinay Sababo Amaan Aawadood.

mar aan weydiinay bal waxa dhulalkooda laga yeelaayo iyo cida sidaas ula dhaqantay ayey Tiri

“Maamulka Degmada oo kaa shanaya Ciidamada Loo yaqaano PS-ta ama Nabad Sugidda waxa ay ugu yeeraan ayaa sidaas noola dhaqmay, waxaana dhulalkaas lagu wareejinaya sidaan xogta ku helnay Kambaniyo uu kamid yahay Kambaniga Albushra ee Kenya aadka looga yaqaano, oo la sheego in ay wax ku leeyihiin rag wadaado sheeganaya” Ayey si caro leh utiri haweeneydan Gedo Times la hadashay.

Gedo Times waxay haysaa Cadyemo buuxa oo la xiriira Magacyada Haweenka la dhacay Guud ahaan, balse amniga oo ah mid aan la isku haleyn karin ayaan u qarinay Maagacayada Gabdhaha balse tiro ahaan waa 14 haween oo dhamaantood laga wada dhacay boosaskooda.

Waxaan Xiriir la sameynay Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba oo kasoo jeeda Beesha Sade waana ay diideen in ay ka jawaabaan Cabashooyinkaas, iyadoo aan la garan karin in ay la qabaan aragtida boosaskaas ay ku dhacayaan dadka magaca maamulka huwan iyo in ay cabsi u geysay ka hadal la’aanta dhibaatooyinkan cusub ee kismaayo kasoo cusboonaaday.

Fiiro Gaar ah Dhawaan waxaan idiin soo gudbin doonaa Muuqaalada Dhulalka la dhacay, iyo Qaar kamid ah Haweenka oo ka warbixinaya sida loo dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.