Sawirro: Munaasabad ay ka qeybgaleen Maamulka Gobolka Gedo oo ka dhacday Degmada Luuq Gaanaane ee Gobolkaasi.

Shacabweynaha reer GEDO oo si wayn uso dhaweeyay madaxweyne kuxigeen cusub ee dowlad gobaledka Jubbaland Mudane Mohamud Sayid Aadan.

Masuuliyiin ay kamid yihiin Gudomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Bakaal Kooke iyo Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Munaasabad lagu soo dhaweynayay Magacaabidda Maxamuud Sayid waxay uga qeyb galeen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale magaalooyinka ,Doolow, Balad Xaawo, iyo Garbahaarey waxaa ka dhacay isu soo baxay balaadhan oo ay shacabka reer Gedo ku muujinayen shucurtooda taageero ee ay ku soo dhawaynayan madaxweyne kuxigeen kobaad mudane Mohamud Sayid Aadan.

Waxana ka soo qabgalay isu soo baxan masuliyinta gobalka , saraakisha ciidamada, Odayasha dhaqanka iyo bulshada raayidka ah.

Waxaa Muuqata in Bulshada Ree Gedo ay Qaateen Siyaasad Cad o ah Xitaa Kooda xun hadii xil loo dhiibto in ay taageeraan si Dadka Cadowgooda ah ee Toonaya in ay ka faa’ideystaan Tafaraaruqooda aysan Fudsad ugu helin Raadinta Tafaraaruq horleh oo ka sii dhexjira Bulshada Gobolkaasi ku nool.

Hoos Ka Daawo Munaasabadaha soo Dhaweynta ee Luuq Ganaane lagu qabtay.

bk1

bk2

bk4

bk5

bk7

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.