OGEYSIIS: Munaasabad Dhaqaale loogu Uruurinaayo Isbitaalka Degmada Baardheere oo ka dhici Doonta Birmingham UK.

Iyadoo burbur aad u balaaran uu ka jiro isbitaalka weyn ee Degmada Baardheere ayaa waxaa dhawaan dalka UK ka dhici doonta Munaasabad dhaqaale loogu uruurinaayo dayactirka Isbitaalka.

Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska ayey ka dhici doontaa 3/6/2016 Munaasabada dhaqaalaha loogu uruurinaayo Isbitaalka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Guud ahan Jaaliyadda Beesha Sade iyo kuwa ree Jubbaland ayaa loogu baaqayaa in ay kasoo qeybgalaan Munaasabada Dhaqaalaha loogu uruurinaayo Isbitaalka Degmada Baardheere.

Wixii faafaahin kala xiriir Contacts ka hoos ka Muuqda.
baardheere hospital

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.