Daawo Sawirada : Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo Kusoo Wajahan Luuq Gaanaane.

Waxaa Saka Magaalada Addis Ababa kasoo kictimay Xubno ay horkacayaan Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo   Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed Canjeex, kuwaas oo ku wajahan Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo.

Xubnahani Wafdiga ah ee Luuq Ganaane kusoo wajahan ayaa halkaas u tagaya shir muhiim ah oo degmadaas ku dhexmari doona Beesha Sade iyo Dowladda Itoobiya, oo lagu wado in ugu dambeyn Heshiis kama dambeys ah lagu gaaro oo dhinacyada Dhexmara.

Luuq waxaa laga so osaari doonaa Shakhsiyaadka Beesha Sade u matali Doona Xukuumadda Cusub ee Jubbaland taas oo uu hormuud u noqon doono Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Janaraal Fartaag.

Xubnahani ayaa Diyaaar Gaar ah waxa ay kasoo qaaday Magaalada Addis Ababa, taasi oo hawada kusoo jirta laguna wado in goordhaw ay Degmada Luuq Ganaane soo caga dhigato.

Hoos Ka Daawo Sawirada Masuuliyiinta oo kasoo dhoofayay Garoonka Diyaaradaha ee Bole ee Magaalada Addis ababa.

fartaagfartaag

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.