Daawo: Sida ay u dhacday Aaskii Qaran ee Maanta Cabudwaaq loogu Sameeyey Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle.

Allaha U naxariistee Waxaa Galabta Galinkii Dambe Lagu Aasay Qubuuro Kuyaala Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgduud Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali Ugaaskii Sade ee Galgaduud.

Ugaaska oo Maalmo kooban Meyd bari ahaa, ayaa saaka laga duuliyay Magaalada Muqdisho oo uu dhawaan ku geeriyooday, waxaana aaskiisa ka qeybgalay Masuuliyiin kala duwan, oo heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba isugu Jira.

Raisal Wasaraayasha kala ah Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa hogaaminayay wafdi Nairobi uga yimid ka qeybgalka Aaska Ugaas Ciise, waxaana Wafdigaas qeyb ka ahaa Siyaasiyiin hore iyo Xildhibaano ay kamid yihiin Cabdulaahi Goodax Barre, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Maxamwed Cabdi Yuusuf,Cabdi Shire Ciyaar Jecel, Siyaasiga Cali Xaaji Warsame, nabadoon Shaale Cibaad Bulxan iyo Masuuliyiin kale.

Sidoo kale Waxaa laba duulimaad oo Muqdisho ka baxay Mid kamid ah Hogaaminayay Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, waxaana Qeyb ka ahaa Duubab Dhaqameedyo Soomaaliyeed, iyo Waxgarad ku hayb ah Ugaaska oo ay kamid aheyd Xaawo Ugaas Cabdulle oo Ugaaska Geeriyooday la dhalatay.

Isla Muqdisho Wafdi kale oo ka baxay Waxaa Hogaaminyay Wasirka Gaashaandhiga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, waxaan Qeyb ka ahaa XIldhibaano iyo Siuaasiyiin, sidoo kale waxaa Wafdiga Wasiirka Qeyb ka ahaa Xubno uu horkacayay Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana kamid ahaa Xildhibaanada kala ah, Maxamuud Cali Magan, Nuur Faarax Jaamac Baadiyow, Cabdulaahi Yuuusuf iyo Masuuliyiin kale,

Deegaanada kale ee Soomaalida ayaa waxaa ka yimid wufuud kala gadisan Dhinaca Puntland, waxaa ka yimid Waxgarad iyo duubab Dhaqameedyo uu horkacaayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, Sidoo kale Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa ka yimid, Wafdi heer dhaqan iyo Heer siyaasiba isugu jira.

Galmudug ayaan Meesha Ka marneyn waxaana wafdiga Galmudug Hogaaminayay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaas Maxamed Xaashi Carabeey.

Guud ahaan Marti sharaftaas ay kulmisay ka qeybgalka Aaska Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle aya waxaa Marti galiyay Dowlad Goboleedka Galgaduud Sare ee Dhawaan halkaasi lagaga Dhawaaqay,iyadoo Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Gacaliye iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hareeri Xasan barre ay soo dhaweeyeen marti sharafta Dajiyeene Hotelada Degmada Cabudwaaq.

Gabagabadii Aaska Ugaaska Ciise ayaa ah Mid aan Horay wali sidaan u kulmin Dadyow kala aragti duwan taas o muujineysa sida ugaaska uu ugu dhaxeeyey Gud ahaan Bulsha Weynta Soomaaliyeed.

Bahda Gedo Times Maamul iyo Shaqaalaba waxay marlabaad Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Guud ahaan Soomaaliweyn gaar ahaan Beelweynta Sade oo uu Ugaaska Ugaas u ahaa,

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.