Faahfaahin: Dagaallo ka dhacay dhinaca bari ee gobalka Galgaduud

daagal

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Geed Timir oo qiyaastii 15 km ka xiga deegaanka Galcad ee hoostaga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud ku dilay tiro ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Maxamed-deeq Cabdi Maxamuud oo la hadlay Guddoomiyaha deeganka Galcad ayaa sheegay in ciidamada ay xalay howlgallo ka fuliyeen deegaanka Geed Timir, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan toban ka tirsan maleeshiyaad Al-Shabaab, ayna ku soo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Guddoomiyaha Deegaanka Galcad Qadar Maxamed Cali ayaa sheegay in hubka iyo gaadiidka dagaal ee laga soo furta argagixisada Al-Shabaab iminka la soo gaarsiiyay deegaanka Galcad, isagoo intaa ku daray inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgallada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.