Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Galgaduud, Soomaaliya

Guddoomiyaha deegaanka Gadoon ee gobalka Galgaduud ayaa ka warbixiyay heshiis laga gaaray dilal qabiil oo dhowaan ka dhacay deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Gadoon Cabdi Axmed Yuusuf ayaa caawa sheegay  in waxa laga heshiiyay ay yihiin dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo dhowaan ka dhacay halkaa.

Wuxuu sheegay in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay oo Gadoon kuwaasoo xukun dil ah lagu fuliyay

Seddex nin ayuuna sheegay guddoomiyaha kuwaasoo ah dil sugayaal.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaca ayaa sheegay in ay dhiiragalin doonaan kor u qaadista Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ka dib markii Magaalada Dhuusmareeb lagu qabtay bandhiga Hidaha  iyo Dhaqanka.

Ahlu Sunna waxa ay sheegtay in  kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan soo noolaynta Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ay hergalin doonaan Xaruumo lagu soo bandhigo dhaqanka.

Hadalkan ayaa yimid Markii Magaalada Dhuusmareeb Haweenka ku nool ay ku soo bandhigeen agab badan  oo  ku saabsan  Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.