Dhageyso: Kulan ka dhacay Garoowe oo lagu daah furay guddiga doorashooyinka Puntland

Howlaha guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa maanta lagu daah furay magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu daah furayay shaqada guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), kuwaas oo dhawaan ansixiyeen Barlamanku.

Xafladda daah furka oo lagu qabtay xarunta PDRC, waxaa looga hadlay qaabkii loo taageeri lahaa guddigaas iyo shaqadooda, iyadoo lagula dar-daarmay inay xilkooda u gutaan qaab cadaalad ah.

Gudoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismayo), ayaa tilmaamay inay rumayn karaan riyada ah in Puntland la gaarsiiyo nidaamka Dimuqraadiyadda, hadii la helo shacab taageersan howlaha horyaal guddiga.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.