TOP DHAGEYSO: Muran ka jira awood qeybsiga maamulka gobalka Gedo iyo nabadoon si kulul u hadlay

Mid kamid ah waxgaradka beelaha gobalka Gedo ayaa dhaliilay siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku wajahan wasaaradda gaashaandhigga.

Nabadoon Maxamed Nuur Xaaji ayaa sheegay in xukuumadda Somalia ay ka tallaabtay heshiiskii awood qeybsiga beelaha ku dhisan ee maamulka gobalka Gedo.

Wuxuu sheegay nabadoonkani in wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ay xil ka qaadis ku sameysay  Taliyaha guutada 9-aad Baardheere, Buurdhuubo iyo Garbahaarey Cor. Cabdullaahi Cismaan Isxaaq C/laahi Yare inkastoo weli aan xilkii laga qaadin.

Waxa uu tilmaamay in siyaasadaha isdiidan ee dhinaca maamulidda gobalka Gedo ku saleysan ay ka dambeeyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland isagoo carrabaabay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee maamulkaasi Jeneraal Fartaag iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cabdirashiid Janan.

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.