XOG RASMI AH: Wararkii ugu dambeeyay shirka beesha Sade iyo Itoobiya ee Doolow

dolow

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan gobalka Gedo ayaa u sheegay shabakadda Gedotimes in uu socdo qorshe lagu qabanqaabinayo shirweyne la filayo in dhowaan uu ka furmo magaalada Doolow.

Shirkani oo illaa hadda aan si dhab ah loo cadeynin ujeedkiisa waxaa wada yeelanaya beesha Sade iyo Dowladda Itoobiya.

Xogo laga helay Doolow ayaa sheegaya in la diyaariyay halka uu ka dhici lahaa shirka isla markaana waqti aan fogeyn shirka la qabanqaabin doono oo uu si toos ah halkaa uga furmi doono.

Wax ka yar todobaad ayaa la filayaa inuu socdo shirkani waxaana intaas dheer in maalmo qura kadib shirkani la furo.

Salaadiin iyo waxgaradka gobalka Gedo ayaa qeyb ka ah dadka ka qeyb galaya marka laga soo tago siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo qeyb ka ah shirka.

Saraakiil ka socota dowladda Itoobiya ayaa wararka la helayo ay sheegayaan in ay ka qeyb gali doonaan.

Gedotimes kala soco faahfaahinta shirkaasi iyo wareysi ku saabsan goorta uu shirka furmayo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.