XOG: Taliyihii guutada 9-aad ee Millateriga DF gobalka Gedo oo xilkii laga qaaday(Akhriso)

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay gobalka Gedo waxaa xilkii laga xayuubiyay taliyihii guutada 9-aad ee ciidanka Millateriga dowladda federaalka.

Xog ay heshay warbaahinta Gedotimes ayaa xaqiijinaysa in xilkii laga qaaday taliyihii guutada 9-aad oo heystay ciidamada dowladda ee ku sugan magaalooyinka Garbahaarey, Baardheere illaa Buurdhuubo Col. Cabdullaahi Cismaan Isxaaq oo loo yaqaan C/laahi Yare.

Wararka aynu helnay waxa ay sheegayaan in wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ay xil ka qaadistaasi ku sameysay taliyaha.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa laga soo xigtay in xilkii laga qaaday taliyihii guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Col. Cabdullaahi Yare.

Inkastoo uusan weli xilka wareejin taliyaha haddana ma cadda sababta keentay xil ka qaadistaasi, welina wasaaraddu ma aysan shaacin, midda kale taliyaha ma uusan ka hadlin isagana.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.