XOG: Boobkii iyo dhicii Hantiyeed ee lagu hayay Beesha Sade oo Wali Kismaayo kasii socda Xilli Dhawaan Maamulka Jubba iyo Beesha Sade ay Heshiis halkaas ku gaareen.

Iyadoo Dhawaan Khilaafkii Siyaasadeed ee kajiray Jiritaanka Maamulka Jubba ay heshiis aanw ali dhaqan galin ka gaareen Beesha Sade iyo Beesha Hogaamiyaha Jubba Axmed madoobe, ayaa wali waxaa kismaayo ka sii socda DHibaateynta Dadka shacabka ah ee Beeshaan iyo beelo kalaba ku abtirsada.

Dhawaan waxaa uu Maamulka Kismaayo iyo kan Jubba oo wada jira Saraakiil ka socotay ay damceen in hay’addo Turk iiyo carab isugu jira in ay dhul kismaayo ka siiyaan, dhulkaas oo ay lahaayeen dad shacab ah, iyadoo la damcay in si khasab ah gacantooda looga bixiyo.

Shakhsiyaadka Falkaas Wuxuushnimada ah damcay in ay ku kacaan waxaa kamid ahaa Macalin maxamed oo ah Shakhsiga koowaad ee beeshan kismaayo dhibaateyteeda ka shaqeynayay Sanadihii lasoo dhaafay, iyo Darwiish wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulkaas iyo gudoomiyaha Degmada Kismaayo Timajilic.

Shakhsiyaadkani ayaa ku midoobay Dhibaateynta Beesha Sade, iyagoo in ay wax u geystan qaabkastaa u maraya.

Lakiin dadkii lahgaa Guryaha iyo bosaska la damcay in dadkani lagu wareejiyo ayaa banaanbax nabadeed ka dhigay Magaalada gaar ahaane Aaga dhulalkoodu kuyaaleen, balse nasiib daro maleyshiyaad u daacad ah shakhsiyaadka aan soo sheegnay aya rasaas ooda uga qaaday.

Ugu Yaraan Sadex qof oo rayid ah ayaa dhaawacmay, inkastoo aan ilaa iyo hadda lasoo warin Kahsaare dhimasho oo ay rasaasta lagu furay dadkaasi shacab ah,

Macalin Maxamed ayaa dagan guri uu leeyahay shakhsi u dhashay Beesha Sade kaasi oo kuyaala Xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo, gurigaas ayuuna macalin Maxamed ku sheegay in uu yahay Qanimo ama hantida gaalada laga furto oo kale, oo aan u baahneyn idanq aadasho iyo ijaarasho toona, iyadoo wali aysan dhicin in falkaas bareerka ah in lagula xisaabtamo.

waxay inbadan oo Sade iyo Soomaali kala ahba isweydiinayaan, hadiiba dilkii, dhicii iyo boobkii hantiyeed ee Kismaayo ka taagnaa Sanado badan uu wali halkiisii kasii socdo maxay siyaasiyiinta Beesha Sade ee Maamulkaas la heshiisay ku badasheen, heshiis qaadasho bacdamaa wali dhibaateynta dadkooda ay halkeeda kasii socoto.

1 Comment

Leave a Reply to Cabdiqaadir Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.