Akhriso: Warbixin ka hadleysa Xaaladaha dhabta ah ee Xilligan ka jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

bardhere

Muxuu indhihiisa ku soo arkay

Aan ku bilaabo baardheere waa magalo ka tirsan gobolka gedo,dagmadan waxa hoos yimaada 200 oo tuulo waxay xuduudo la leedahay ama xiriirisaa gobolada gedo, bay iyo jubada dhexe.

dagmadas waxay lee dahay dhaman xarumaha dowlada sida isbitaal,dugsi h/dh/iyo sareba,garoon diyaaradeed,xafiisyo,saldhig boolis,xabsi iyo kuwo kale oo badan oo dhaman aan shaqeyn.

Bardhere waxa dhaxmara wabiga juba waxay kaloo lee dahay dhulbeereed aad u baaxad weyn,waxay soo saartaa dalagyada,qudrada,basasha,tubaakada,sisinta,masagada,salbukada,galayda iyo dalagyo kale sas oo ay tahay hadana sidii larabay waxbo uma soosaarto.

Waxay dadkeeda dhaqdaan xoolaha sida geela,loda,iyo ariga qaarna waa beraleey.

Waxa lagu tijaabiyey labo mashruuc oo kala ah mashruucii korontoda markableey iyo mashruucii bariiska ee muuri.

Baahida loolama jeedo mida cunada oo kaliya ee waxa ka mid ah xaga tacliinta iyo maamulka,caafimaadka iyo hormarka ay dadka u bahan yihiin.

Waxan dhawaan la kulmay Proffesor Wax ka dhiga Mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho, oo booqday dagmada wuxuu ii sheegey wixii uu soo arkay oo runtii filan waa igu noqday.

wuxuu igu yiri waxan soo arkay magalada intaa la eg ee dadkaad aragtay ay ku nool yihiin iyo waxas oo tuulo ay hoos yimadan in ay lahayn,isbitaal,biyo nadiif ah tas oo ay u dheer tahay abaarihii soo noq noqday oo xoolihii dhafisay.

wuxuu kaloo ii raaciyey ma jiro dugsi sare jaamacad warkeeda daaye,

Tan iga yaabisay waxay ahayd wuxuu ii sheegey in shaqo la’aanta ay gaartay 100% micnaha shoqo kamajirto dadka shaqeeya waa dad gaaraya 30 qof oo labo shirkadood iyo dhowor xawaladood mushar kaqaata.

Ma sheegaayo dadka ganacsiga yar yar u kalaha ee wuxuu oola jeeday ma jiraan shaqaale dowladeed iyo kuwo hay’adeed oo halkaa ka jiro.

Asagoo warka ii sii wada ayuu ii raaciyey dadkas waxay bixiyaan canshuur tusaale gariga markuu soo galo iyo markuu baxaba waa la cashuuraa, albaabada ganacsiga waa la canshuuraa,suuqa xoolaha la keeno waa la cashuuraa,garoonka diyaaradaha,way badan tahay ayuu ii raaciyey.

Bal qiyas magaladas ma ka godaa waxas oo cashuur ah ayadoo ay u dheertahay isbitaal la aan,wax barasho la aan iyo ayadoo aan la hayn hal adeeg bulsho oo halkaa ka jirto.

Tas wuxuu iigu daray waxa ka jira maamul isku dhax yaacsan oo madaxa iyo lugaha isaga xiran oo dhinac ay wax u wadan garan la.

Qolada dagmada maamusho wuxuu u qeybiyey afar kooxood dhinac waa amisom kenya,dhinaca kalana waa amisom ethopia dhinacna waa kooxda all-suna iyo beelo oo garabka afarad ah.

Waxa kor ka sii sheegta gobolka gedo oo wuu ka jiro maamulo isdiidan oo kor ay ka haystaan maamulka juba oo kismaayo ku xaniban.

Dagmadas uu daqligeeda uu saas yahay ee shaqa la’aanteeda uu heerkas gaarsiisan yahay hadana ay haysato waxas oo adeeg xumo ah ayaa hadana dad sheeganayaan in ay maamulayaal yihiin.

Hada oo latagan yahay waxa tagay hay’ad samafal oo doonaysay in ay dayactirto isbitalka,garonka diyaradaha,iyo xarumaha maamulka iyo bilicda sida wadada xiriirisa garonka iyo magalada tas oo ay dher tahay nalalka cadceeda ku shaqeeya in ay ka hirgaliso.

Hay’adan waxay hawlahan oo kale ka sooqabatay gobolo kale oo soomaaliya kuyaala.

Waxa la i lee yahay maamulka juba ayaa joojiye oo leh shaqadan anagaa leh ee nagaa fulinayna.

War wixii aad qabanaysan dadka u qabta oo ha or istaagina shaqooyinka iyo gargaarka magaca aad boorsooyinka aad ku sidataan wata ee dadka waxa loo qabanaayo ha hor istaagina.

Ugu dabayn qoralkan waxan ka soo qaaday aniga iyo Barihii jamadeed ee dhawaan halkaas Booqday sheekadii na dhax martay.

F.G: Qormadan ulama jeedo in aan cid ku dhibaateeyo ama aan ku mucaarado, Waxana ugu talagalay in aan ku soo bandhigo waxa magaladaydii ka socda.

Waayo hadii aad mar walbo aan bixino sawiro qurux badan oo been ah taas waxay daah ka saraysaa dadkii wax kaqaban lahaa, Dhibaatooyinka Jira, qormadu waa mid wax dhiseysa, aana ugu talagalay in dadka aysan hadda dhibatooyinkaas u muuqan in ay ku baraarugaan.

Mahadsanidiin

W/Q: Ibroos

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.