Dhageyso: Maamulka degmada Mahadaay oo ka hadlay saameynta wabiga Shabeelle

wabi

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in fatahaadda wabiga Shabeelle uu saameeyay beeraleyda degmadaasi.

Guddoomiyaha Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in fatahaadda wabiga uu ka geystay deegaanno hoostaga degmada Mahadaay ay sababeen in biyihii wabiga ka yimi ay qaadaan dalaggii dhulka ku beernaa.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in dhul lagu qiyaasay 40KM ay burburiyeen dalaggii lagu ku aasnaa biyaha wabiga ka soo butaacay.

Guddoomiyaha Mahadaay ayaa sheegay in arrintani ay ku wargaliyeen maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe iyo wasaaradda arrimaha gudaha isla markaana ay muuqaallo ka soo qaadeen iyaga iyo saraakiisha AMISOM deegaannada ay fatahaadda ka dhacday

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.