Warbixin xasaasi ah: Uganda oo loo malaynayo in ciidankeeda ay kala baxdo Somalia

Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso ciidankeeda ka jooga Soomaaliya ee caawiya dowladda federaalka.

Dowladda Uganda ayaa dib u eegis ku sameyneysa ciidankeeda ka jooga Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, taasi oo suurtagal ah inay kala soo baxdo ciidankeeda.

Sida uu sheegay afjayeenka ciidanka Colonel Paddy Ankunda guddi gaar ah ayaa loo sameeyay inay ka so tala bixiyaan.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee dib u eegis lagu sameeyo hawlgalka ciidanka, balse waa arkii ugu horreysay ee la soo hadal qaado in ciidanka lagala soo baxo.

Ilo xog ogaal ah oo diiday in la shaaciyo ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay diblomaasiyiin shisheeye inay suurtagal tahay in labada hawlgal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe la soo afjaro.

Uganda waxay door muhiim ah ka ciyaartay degenaanshaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo meelaha u dhow dhow.

Waxaa hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uga jira ciidan ka badan 6000, taasi noo ka dhigeysa dalka ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.