Qaramada Madoobe oo si adag uga hadashay duqeyn loo geystay qaxooti Siiriyaan ah

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarkii duqeynta ahaa ee lagu qaaday xero ku taal Suuriya, oo dad qaxooti ah ay ku jireen, lagana cabsi qabo in ugu yaraan ay ku dhinteen 30-qof, uu noqonayo dambi dagaal.

Stephen O’Brien, oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ku baaqay in la baaro weerarkaasi ka dhacay gobalka Idlib, ee xuduuda la ah dalka Turkiga.

Mar uu la hadlayay BBC ayaa, Mr O’Brien waxa uu sheegay in cidda mas’uuliyadda weerarkaasi leh ay wajahayso cawaaqib.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeynaya duqeyntaaso dowladda Suuriya, taas oo todobaadyadii u dambeeyay bartilmaameedsaneysay falaagada ku sugan goobahaasi.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, Philip Hammond, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, in uu quursanayo dadaalada ay wadaan beesha caalamka ee lagu joojinayo colaadda dalkaasi.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa ku tilmaamay weerarka mid aan qiil laheyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.