XOG: Taliyihii Amniga ee Degmada Baledxaawo iyo Ciidamo uu wato oo ku biiray Ciidamada Maamulka Gobolka ee Baledxaawo Dibad Jooga ka ah.

Iyadoo Shalay Cabdirashiid Indhakoreey uu xilkaqaadis ku sameeyey Taliyihii Amniga ee Degmada Baledxaawo Taliye Ducaale, ayaa waxaa Maanta Ciidamada Dowladda ee uu Hogaamiyo Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudane Bakaal iyo Xildhibaan Cadifitaax Mataan ku biiray Ciidamo uu horkacayo Taliyaha Xilkaqaadista lagu sameeyey.

Taliye Ducaale ayaa ciidamo ilaa 30 askari gaaraya ku biiriyey Ciidamada Maamulka Gobolka ee Magaalada Dibad Jooga ka ah, isagoo sheegay in ay arintani timid kadib markii uu u adkeysan waayay Tacadiyado kala duwan oo uu kala kulmay Indhakoreey isaga iyo Ciidamadiisa.

Wuxuu sheegay in Waxa uu cabdirashiid Indhakoreey kawado Degmada Baledxaawo ay tahay wax aan indhaha laga haysan Karin, taasne ay ku qasabtay in ciidamadiisa uu Magaalada Dibadda ugala baxo, isagoo hoosta ka xariiqay in ree Baledxaawo ay u baahanyihiin Dib u xoreyn waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdirashiid Indhakoreey ayaa wacad ku maray in uusan xil hayn doonin qof isaga mucaarad ku ah, sida laga soo xigtay ilo wargal ah oo uu Baledxaawo kula kulmay.

waa Isbadalkii ugu horeeyey ee uu kasameeyo Maamulka Degmada Baledxaawo, tan iyo intii uu Magaladaasi soo galay dhamaadkii bishii tagtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.