XOG: Cabdirashiid Indhakoreey oo Xilka Ka qaaday Taliyihii Amniga ee Degmada Baledxaawo, mid cusubne Magacaabay. “Akhriso”

Waxaa Maalintii shanaad Degmada Baledxaawo wali ku sugan Cabdirashiid Indhakoreey oo Maalmo Kahor Degmadaasi gacan ku haynteeda la wareegay,

La wareegitaankiisii kadibne wuxuu Bilaabay isbadalo uu ku sameeyo Maamulkii ka ariminayay Degmadaasi Baledxaawo, iyadoo ilaa iyo hadda uu Xilkaqaadis ku sameeyey Talihii Amniga ee Degmada Baledxaawo Taliye Ducaale, isagoo ku badalay Nin ay isku hayb yihiin oo lagu magacaabo Cali Xasan Deer.

Cali Xasan Deer ayaa sii haye xildhibaan Ahaa muddo Sanad kabadan kadib markii uu aabihii Xilkaasi ka geeriyooday Xukuumadii Kumeelgaarka aheyd, waxaan inbadan oo dadka ah layaab ku noqotay in Nin soo maray Xildhibaan Qaran uu iminka noqdo Taliye Amni oo Degmo ku kooban.

Layaabse malahoo Xilka Soomaaliya ayaa Heerkaas maraya, iyadoo horay loo arkay Wasiir Gaashaandhig oo noqday Taliye Booliis.

Indhakoreey ayaa Degmada Kawado isbadalo uu ku beegsanaayo Cidkasta oo xiriir laleh Maamulka Gobolka Gedo Masuulyiiintiisa oo Iminka Magaalada Dibad Joog ka ah, Inkastoo Gudoomiyaha Degmada Yuusuf Kaanti oo horay loo aaminsanaa inuu wada shaqeyn fiican laleeyahay Maamulka Gobolka uu isugu dhurtay lashaqeynta Cabdirashiid Indhakoreey.

Indhakoreey ayaa balan qaaday in isbadalo badan uu sameyn doono waqtiyada soosocda taasi oo saameyn doonta Cidkastaa oo ka hor imaadsan Xilne ka haysa Degmada Degmada Baledxaawo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.