XOG: Maxaad kala Socotaa Socdaalka uu Cabdikariim Guuleed ku tagay Jigjiga iyo waxa ay salka ku hayso.

Iyadoo Maalin kahor madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed uu gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Ayaa waxaa socdaalkiisa kasoo baxaya Fasiraadyo kala duwan.

Guuleed ayaa la sheegay in itoobiya iyo jigjiga uu u tagay sidii uu Cabdi Ileey oo ah Hogaamiyaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya uu uga codsan lahaa in Beeshiisa dib loogu soo celiyo Deegaanadii ay kabarakaceen ee dhawaan ay dagaalada ay dhaceen.

Axmed madoobe ayaa Guuleed u fududeeyey tagitaanka Jigjiga, inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn in Cabdi Ileey uu Aqbalay codsiga guuleed iyo inkale.

Daacdheer iyo Deegaano ku xeeran ayuu dagaal ba’an oo usbuucii hore ka dhacay waxaa lagu laayay tiro badan oo ciidamo ah oo kasoo jeeda Maleyshiyaad ay isku hayb yihiin Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Sababaha uu Axmed Madoobe waanwaanta uga dhexwado labadani Hogaamiye ayaa ah in Dagaalo horleh o oDaacdheer ka dhaca uu uga aargoosto xiisadaha aan dhamaadka laheyn ee isaga iyo Beesha Sade ku kala haysta Deegaanada Jubaland.

Hada Daacdheer waxaa ku sugan Ciidamada Deegaanka oo garab ka helaya kuwa Liyuu Booliis ee ismaamulak Soomaalida ee Itoobiya, waxaana u usafarka Guuleed Imaanaya xilli aad loogu laayay Deegaankaasi tiro badan oo ay isku hayb yihiin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.