Daawo Sawirada : Wafdi isugu Jira Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Hay’ad Samafal oo Goordhaw Baardheere Gaaray.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa Goordhaw Gaaray Wafdi ka socda Jubaland iyo hay’ad Samafal oo hawlo shaqo halkaasi dhawaan ka bilaabi rabta.

Wafdi waxaa Hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Jubaland Mudane Axmed Handal, Waxaana la socda Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Kismaayo Mudane Cabdi Barre Cabdi, iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Jubaland Marwo Batraan.

Sidoo kale Xubno matalaya hay’adda Samagalka ee Save ayaa yagune Qeyb ka ahaa Wafdiga waxayna kormeer iyo indha indheyn kusoo sameeyeen Qeybo kamid ah Degmada Sida Isbitaalka Guud ee Degmada Baardheere iyo Buundada Degmada.

Xubnahani ayaa Baardheere sii joogi doona Maalmaha soo aadan sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada baardheere oo aan xiriiro kala duwan la sameynay.

Hoos Ka Daawo Sawirada Wafdiga

G1

G2

G4

G5

G6

G7

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.