TOP DHAGEYSO: Hoggaamiye Gaas ”Itoobiya waa walaalaheenna”

Hoggaamiyaha maamulka Puntland oo safarro ku marayay dalalka Itoobiya iyo Sacuudiga ayaa dib ugu laabtay gobalka Bari kana warbixiyay ujeeddooyinka safarkiisa.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa waddamada  Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta magaalada Boosaaso dib ugu laabtay waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb-qayb guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Safarka Madaxweynaha oo ka bilawday dalka Ethiopia ayuu sheegey Madaxweynuhu in uu kula kulmay Magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi oo muddo ay socotey arrinta la xiriirta furitaanka kastamkaasi.

Sidoo kale safarkii uu Madaxweynuhu ku tegey dalka Sucuudiga ayuu xusay in uu daarranaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah oo dalka maal-gashada,  isla markaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiis taariikhi ah ku qotoma dhismaha deked laga dhisi doono Garacad, waddo laami ah oo  isku xidhi doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono dhammaan gobollada Puntland.

Halkan ka dhagayso:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.