Dhageyso: Taliyaha booliska Puntland oo dafiray baabuurkii uu lahaa Cameey ee lala goostay

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf(Afgaduud) aytaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe wuxuu ku sheegay in warar been abuur ah ay yihiin in lala goostay gaari uu lahaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin C/laahi Cameey.

General Afgaduud ayaa sheegay in gaariga lala goostay uu ahaa mid ay lahaayeen laamaha ammaanka dowladda Puntland, gaar ahaan ciidanka booliska oo ay siisay Hay’ada socdaalka aduunka ee IOM. Oo uusan jirin baabuur uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhinaca Somaliland loola goostay.

Docda kale taliyaha bileyska Puntland Jeneraal Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf ayaa tilmaamay in ciidanka Somaliland ay dib ugu soo celiyeen baabuurkaasi gaar ahaan ciidanka booliska ee maamulkaasi, haddana uu ku jiro gacanta taliska qaybta booliska ee gobolka Nugaal.

Wuxuu sheegay in maamulka Somaliland ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta wacan, waxaana arrintani ay ku soo beegmaysa iyadoo deegaanno ku yaalla waqooyiga Soomaaliya ka taagan muranno siyaasadeed oo labadaasi maamul u dhaxeeya.

CODKA HOOS KA DHAGAYSO:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.