Daawo: Xafladii Farmaajo London Loogu Sameeyey oo Arima Soomaliya Kaga hadlay

Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska uuna kasoo qeybgalay Raisal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa lagu qabtay Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska.

Kulanka oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa lagu soo dhaweynayay RW Farmaajo, Sidoo kalane waxaa looga dhageysanayay Warbxino la xiriira Fikirkiisa ku aadan halka ay Soomaaliya u socoto.

Raisal Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga waramay Siyaasadda Soomaaliya iyo halka ay maanta taagantahay, isagoo Bogaadiyay Lagama maarmaanimada in Jaaliyadaha Dibadda ay Muujiyaan Doorkooda wadaniyadeed kana qeybqaataan Hagaajinta hanaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Munaasabadda soo Dhaweynta RW Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.